Waxa uu kulan xiiso leh Emirates ku dhexmari doonaa kooxaha Arsenal iyo Man City kulan ka tirsan premier League.
Labada kooxood ayaa doonaya in ay jeebka ku shubtaan 3-da dhibcood ee kulanka.
Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku hubaysan xiddigo fiican kana mid ah kuwa ugu fiican horyaalka premier League.
Ka hor kulankooda waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la qiimaynayo xiddigaha ugu qaab ciyaareedka fiican ee aan dhaawac ku maqnayn.
Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badna iyaga oo ku leh 8 xiddig kuwaas oo ku soo baxay shaxda Isku dhafka ah.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh 4 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Arsenal.
Halkan kaga bogo Liiska shaxda isku dhafka ah ee Arsenal iyo Man City.

Related



Source link