Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Olivier Giroud ayaa isku badalay Goolhaye xilli ay kooxdiisu 1/0 ku hogaaminayso kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.
Ac Milan ayaa 1/0 ku hogaaminaysay kooxda Genoa kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga waxana ay ciyaartu gashay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Xiddiga Christian Pulisic ayaa kooxda Ac Milan u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta xilli ay kooxdiisu u dagaalamayso in ay badiso.
Laakiin Goolhayaha kooxda ee Mike Maignan ayaa loo taagay kaadhka cas kadib markii uu khalad ku galay xiddig ka soo hor jeeda.
Olivier Giroud ayaa ku qasabanaaday in uu noqdo Goolhayaha kooxda daqiiqadaha ka dhiman maadama ay kooxdu wada isticmaashay dhamaan badalkii la ogolaa

Related



Source link