Arsenal ayaa kulan adag waxa ay maanta ku marti gilineysa City kulan ka tirsan wareegga 8-aad ee horyaalka xilli wiilasha Pep ka cararayaan in guul darro labaad oo xariir ah ka qaabilaan horyaalka
Xogta Kulanka
*Arsenal ayaa laga badiyay 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku jiraan 12 guuldaro oo xiriir ah oo Premier League ah
*Labadii guul ee ugu dambeysay ee ay Gunners  guul ka gaarto City waxa ay ahaayeen semi-finalka FA Cup: 2-0 2020 iyo 2-1 2017.
*Arsenal ayaa 16 kulan oo horyaalka ah la ciyaartay Manchester City iyada oo aan shabaqooda ilaashan.
*City ayaa ah kooxda kaliya ee uu Mikel Arteta ku guul darraystay in uu garaaco intii uu ku jiray xirfadiisa tababarenimo ee Premier League.
*Arsenal ayaan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka Premier league iyada oo badisay shan kulan laba kalena bar-baro gashay todobadii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkaan.
*Manchester City ayaa laga yaabaa inay guuldarro xiriir ah oo isku xigta ka qaabisho Premier League markii ugu horeysay tan iyo December 2018, markaasoo oo ay garaaceen Crystal Palace iyo Leicester

Related



Source link