Kooxda Man United ayaa guul soo labasho leh ka gaadhay Brentford kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaa horyaalka premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United maamulaysay ciyaarta xilli ay kooxda Ten Hag raadinaysay in ay dhaliso goolal wakhti hore ah.
Kooxda Brentford ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah laakiin inta badan waxa ay ku jirtay daafaca.
Sidii caadada ahayd United ayaa ku dhibaatootay in ay wax fursado ah u abuurto weerarkeeda iyada oo Burnley kala xidhay khadka dhexe iyo weerarka.
Daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta ayay Brentford dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mathias Jensen kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka laakiin Brentford ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Brentford hogaaminayso isla markaas difaacanaysay goolka ay dhalisay.
Qaybta dambe ayay Man United sii waday in ay riixdo oo ay raadiso goolka bar-baraha xilli ay Brentford difaac adag ku jirto.
Kooxda Erik Ten Hag ayaa samaysay fursado aan kala joogsi lahayn laakiin waxa hor joogay daafac adag oo ay Brentford hor dhigtay goolkeeda.
Daqiiqadii 89-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha laakiin goolaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.
Kooxda Brentford ayaa 11 xiddig ku difaac gashay si ay u ilaashato goolka halka ay United ku weerar tagtay 10 ciyaartoy marka laga reebo Goolhayaha.
Daqiiqadii 90+2-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga McTominay kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay United ugu dambayn ku dhalisay gool.
Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay soo laabasho waali ah kadib markii ay daqiiqadii 90+6-aad dhalisay goolka guusha oo uu u dhaliyay xiddiga McTominay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo uu McTominay guul soo laabasho leh ku hogaamiyay kooxda Man United.

Related



Source link