Erik ten Hag ayaa si xun uga jawaabay markii la waydiiyay sababta uu Casemiro uga saaray kulankii Brentford.
Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Brentford 2-1 iyadoo qeybtii labaad ee ciyaarta Scott McTominay uu dhaliyay labo gool oo cajiib ah waqtigii dhimashada.
McTominay ayaa soo badal ku soo galay iyada oo lagu badalay xiddiga Christian Eriksen kaas oo sabab u ahaa in uu Casemiro u dhiibo kubadii goolka 1-aad looga dhaliyay Man United.
Casemiro ayaa la badalay qaybtii Nasashada Erik Ten Hag ayaana wax laga waydiiyay sababtii uu u badalay xiddiga reer Brazil.
Markii la weydiiyay sababta uu u bedelay xiddigii hore ee Real Madrid intii lagu jiray mudadaas, tababaraha Holland wuxuu ku jawaabay: “Waxaan doonayay kubad badan.”
“Marar badan ayaa qaybta hore nalooga adkaaday kubada, maadama uu soo bandhigi waayay waxa uu xiddig walba soo bandhigayo wa in uu qaybta dambe kaydka galo”.

Related



Source link