Xiddiga Man City ee Erling Haaland ayaa fariin u diray xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham kadib guushii ay Real Madrid ka gaadhay Osasuna.
Real Madrid ayaa 4/0 kaga badisay kooxda Osasuna kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Bernabue.
Xiddiga Bellingham ayaa dhaliyay 2 ka mid ah 4-ta gool ee ay ku badisay kooxda Real Madrid waxana uu sii wadaa qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.
Kadib ciyaarta xiddiga Bellingham ayaa baraha bulshada ugu dabaal-dagay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Osasuna horyaalka La Liga.
Xiddiga Bellingham ayaa baraha bulshada ku soo qoray”Guul fiican oo aan ku gaadhnay garoonkeena iyo 2 gool”.
Haaland ayaan wakhti iska lumin isaga oo ka fal celiyay qoraalka Bellingham soo dhigay Instagram-ka.
Xiddiga Man City ee Haaland ayaa ugu jawaabay xiddiga Bellingham fariin u qornayd”Cajiib”.

Related



Source link