Goolhayaha Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa barbareeyay rekoodh kale oo uu markii ugu horaysay dhigay Cristiano Ronaldo iyada oo Los Blancos ay 4-0 ku xasuuqday Osasuna kulankii sabtida ee La Liga.
Xiddiga 20 jirka ah ayaan wakhti badan u baahan si uu ula qabsado kooxda Real Madrid isaga oo dhaliyay 2 gool kulankii ay Real ka badisay kooxda Osasuna.
Xiddiga reer England ayaa haatan dhaliyay goolkiisii 10-aad ee kooxda Real Madrid inta uu joogay kooxda.
Sidaas darteed xiddiga Bellingham ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay tan ilaa Ronaldo oo dhaliya 10 gool 10-ka kulan ee ugu horeeya ee kooxda Real Madrid.
Waxa intaas sii dheer in Bellingham caawiye ka noqday 3 kulan ilaa haatan waxana uu kaliya ku fashilmay in uu wax gool ah ku lug lahaado 2 kulan oo kaliya.

Related



Source link