Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay Jadon Sancho kala soo wareegto Kooxda Man United marka la gaadho suuqa January.
Musaqbalka xiddigii hore ee Dortmund ayuu shaki ku jiraa iyada oo laga ganaaxay kooxda 1-aad ee Man United tan ilaa kulankii Arsenal ee bishii Hore.
Ten Hag ayaa doonaya in uu raali galin ka helo xiddiga kadib hadalo uu soo dhigay baraha bulshada.
Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.
Sida laga soo xigtay The Sun, Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay xiddiga 23 jirka ah keento horyaalka talyaaniga suuqa January waxana laga yaabaa in ay si toos ah ugula wareegto 60 milyan xiddiga xagaaga dambe.
 

Related



Source link