Raphael Varane ayaa seegay kulankii Manchester United ay guusha ka gaadhay Brentford Sabab la xidhiidha dhaawac yar laakiin waxa uu taam u noqon doonaa todobaadka dambe sida uu xaqiijiyay tababaraha kooxda Man United Erik Ten Hag.
Xiddiga reer France ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda waxana uu kaliya ku bilowday 4 kulan xilli ciyaareedkan premier League.
Ten Hag ayaan sii guda galin dhibaatada dhaawaca daafaca laakiin waxa uu sheegay in uuna dhaawac halis ah ahayn.
“Varane waxa uu kulankii Brentford ku seegay dhaawac yar”ayuu u sheegay Sky Sport.
“Hadii aan ciyaari lahayn 2 ama 3 maalin kadib wuu ciyaari lahaa”.
Man United ayaa guul wakhti dambe ah ka gaadhay kooxda Brentford iyada oo McTominay dhaliyay 2 gool oo wakhti dambe ah.

Related



Source link