Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.
Tottenham ayaa go’aansatay inay iska caabiso isku dayga Manchester United ee ku aadan saxiixa weeraryahanka England Harry Kane xagaagan, iyadoo gudoomiyaha Spurs Daniel Levy uusan dooneyn inuu ka iibiyo koox Premier League ah (Mirror).
Erik ten Hag ayaa kalsooni ku qaba inuu ku qancin karo 24 jirka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Mason Mount inuu ku biiro Manchester United taasoo qayb ka ah dib u habeynta xagaaga ee kooxda (Telegraph).
Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 96 milyan oo euro ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice iyada oo Bayern doonayso in ay saxiixa xiddiga 24 jirka ah ku garaacdo kooxda Arsenal (Mirror).
Paris St-Germain ayaa xiiseyneysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo 24-jirka khadka dhexe ee kooxda Arsenal Martin Odegaard (Mail).
Tottenham, Newcastle iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha Premier League ee xiiseynaya xiddiga Leicester James Maddison kaas oo lagu heli karo 40 milyan oo euro (Mirror).
Kooxda Liverpool ayaa diiday dalab Rasmi ah oo toos ah oo laga soo gudbiyay xiddiga Fabio Carvalho sabab la xidiidha in ay kaliya doonayso in ay amaah ku fasaxdo xiddiga (Athletic).
Tababaraha Kooxda Barcelona ee Xavi ayaa xaqiijiyay in uu wadahadalo kula jiro Xiddiga Lionel Messi si uu xiddigu ugu soo laabto kooxda xagaaga (Standard).
Laakiin Aabaha Messi ayaa heshiis 2 sano ah la gaadhay kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Hilal (Footmercato).
Kooxda chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Sporting Lisbon si ay ula saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte (90min).
Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa si aad ah u doonaya in uu ku laabto kooxda Barcelona (Foot Mercato).
Kooxda Bayern Munich ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Julian Alvarez (Bild).
Karim Benzema ayaa qandaraas labo sano ah ka helay koox aan la magacaabin oo Saudi Arabia ah oo ku kacaya 173 milyan, waxaana uu ka fiirsanayaa inuu ka tago Real Madrid xagaagan (Relevo).
Kooxda Real Madrid ayaa todobaadka dambe isku diyaarinaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Joselu (AS).

Related



Source link