Kooxda Bayern Munich ayaa sare u qaadaysa dadaalka ay ku doonayso saxiixa xiddiga Declan Rice iyadoo tababare Thomas Tuchel uu la xiriiray ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jarmalka.
Xiddiga khadka dhexe ee reer England ayaa la filayaa inuu ka tago bariga London xagaagan iyadoo kooxo badan oo Premier League ah ay saf ugu jiraan saxiixiisa.
Arsenal ayaa u aqoonsatay Rice inuu yahay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxaha Man United, chelsea iyo Man City.
Laakiin Bayern ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga sida laga soo xigtay Sky Germany kaas oo sheegaya in uu Tuchel si shaqsi ah ula xidhiidhay Rice si uu ugu qanciyo in uu yimaado Bundesliga.
Inkasta oo 24 jirku doonayo in uu sii joogo Premier League hadana waxa uu u furanyahay in uu u dhaqaaqo Bayern Munich suuqa xagaaga.
Rice ayaa bartilmaameed u ah Bayern Munich iyada oo uu Tuchel xiddiga u doonayo ku xoojiyo kooxda uu doonayo in ay u tartanto champions League.

Related



Source link