Suuqii Xagaaga ee la soo dhaafay waxa la sameeyay saxiixyada ugu waaweyn yurub iyada oo kooxo badan is xoojiyeen laakiin xiddigehee soo bandhigay qaab ciyaareed fiican?
Xilli aan la saadaalin karin xiddigaha fashilmi doona ama xiddigaha sida fiican u ciyaari doona hadana wax ay wax walba kala cadaadaan marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedka.
Kooxaah premier League ayaa xagaagii hore suuqa galiyay lacag ka badna 2 bilyan euro iyaga oo kula soo wareegay xiddigo kala duwan oo ku soo biiray 20-ka kooxood ee premier league.
Sidoo kale waxa jira saxiixyo ka dhacay horyaalada kale ee Serie A, La Liga, Germany, France iyo meel kale.
Hadaba warbixintan waxan ku soo bandhigi doonaa xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday ee xagaagii ku soo biiray kooxaha kala duwan.
1.Erling Haaland (Man City, £51m):
Ma jirto wax lagu qiyaasi karo qaab ciyaareedka Haaland, xiddiga reer Norway ayaa Man City ugu biiray lacag 51 milyan ah laakiin waxa uu muujiyay in ay Man City ka faa’iiday lacagta ay ka bixisay.
Xiddiga ayaa jabiyay rikoodh kasta oo premier League ah waxana uu dhaliyay 36 gool premier League halka uu tartamada oo dhan dhaliyay 52 gool waxana lagu tilmaami karaa saxiixa ugu fiican suuqii xagaaga.
2.Khvicha Kvaratskhelia (Napoli, £9m):
Xiddiga Khvicha Kvaratskhelia saaran dibnaha taageerayaasha horyaalka Talyaaniga ama qaarada yurub kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Napoli.
Napoli ayaa 9 milyan oo euro ka soo bixisay xiddiga waxana la filayay in aanu samayn wixii uu sameeyay laakiin xiddiga ayaa ku lug lahaa 32 gool tartamada oo dhan 42 kulan oo uu ciyaaray.
3.Robert Lewandowski (Barcelona, £42m):
Ka dib markii uu ku guuleystay 19 koob oo uu ku dhaliyay 344 gool Bayern siddeed sano oo xusuus ah, Lewandowski wuxuu go’aansaday inuu ku biiro Barcelona waxana la filayay in uu buuxiyo kabihii uu Messi ka tagay.
Laakiin Lewandowski ayaa muujiyay in da’du kaliya tahay Lambar waxana uu wacdaro ka dhigay horyaalka La Liga waxana uu kooxdiisa Barcelona ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka waxana uu gool dhalinta ku garaacay xiddiga Karim Benzema.
4.Casemiro (Manchester United, £70m):
United ayaa si weyn uga dhibaatootay khadka dhexe sanadihii ugu dambeeyay waxana ay xagaagii u dhaqaaqday xiddiga Casemiro kaas oo kaligiis xaliyay dhibaatada United haystay ilaa kadib wakhtigii Sir Alex Ferguson.
Casemiro ayaa lagu tirin karaa xiddigihii ugu fiicnaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu United ka caawiyay in ay gaadho 2 final halka ay sidoo kale u soo bexeen champions League.
5.Kim Min-jae (Napoli, £16m)
6.Gabriel Jesus (Arsenal, £45m)
7.Niklas Sule (Borussia Dortmund, Xor)
8.Enzo Fernandez (Benfica, £10m)
9.Manuel Akanji (Man City, £15m)
10.Folarin Balogun (Reims, Amaah)
11.Sven Botman (Newcastle, £35m)
12.Alexandre Lacazette (Lyon, xor)
13.Andre-Frank Zambo Anguissa (Napoli, £14m)
14.Randal Kolo Muani (Eintracht Frankfurt, £14m)
15.Xavi Simons (PSV, Xor)
16.Andreas Christensen (Barcelona, Xor)
17.Andre Onana (Inter, Xor)
18.Take Kubo (Real Sociedad, £6m)
19.Paulo Dybala (Roma, xor)
20.Alexis Sanchez (Marseille, Xor)
21.Matthijs de Ligt (Bayern Munich, £67m)

Related



Source link