Waxa soo dhamaaday xilli ciyaareed aad u xiiso badnaa oo premier League ah oo ay xiddigo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Kadib xilli ciyaareed xiiso leh waxa ay ESPN soo saartay shaxda ugu fiican ee horyaalka premier League iyaga oo ku doortay qaab ciyaareedkooda.
Kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka premier League ayaa shaxda ku leh xiddigaa ugu badan kadib markii ay ku guulaysteen horyaalka waxana ay ku leeyihiin 3 xiddig.
Sidoo kale waxa 3 xiddig ku leh kooxda Newcastle oo wacdaro dhigay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Arsenal ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 2 xiddig halka ay kooxaha Man United, Brighton iyo Tottenham shaxda ku leeyihiin min ah xiddig.

Related



Source link