Xiddiga diirada u saaran kooxaha Arsenal iyo Manchester United Declan Rice ayaa ka fal celiyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa wuxuuna sheegay in uu iska indha-tirayo wararkaas si uu West Ham ugu hogaamiyo ku guulaysiga UEFA Europa Conference League.
Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu noqdo xiddiga ugu doonista badan adduunka inta lagu jiro suuqa Xgaaga waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo waaweyn.
Kooxda Arsenal ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga xilli ay sidoo kale Man United iyo Bayern Munich doonayaan saxiixa xiddiga.
Rice ayaa si kasta ha ahaatee aan wax dareen ah siinayn xiisaha uga imanaya kooxaha waaweyn ee reer yurub waxana uu doonayaa in uu kooxdiisa kula guulaysto koobka yurub todobaadka dambe.
Markii la weydiiyay haddii ku guuleysiga Prague toddobaadka soo socda ay noqon doonto habka ugu habboon ee uu ku macasalaamayn karo West Ham ayuu yidhi”Runtii arintaas diirada ma saarayo haatan”.
“Waxa aan diirada saarayaa sidii aan kooxda ugu hogaamin lahaa koob”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link