Liverpool ayaa isha ku haysa in guul ku oo afjaraan kulankooda ugu dambeeya garoonkooda ee xilli ciyaareedkaan xilli ciyaareedkii 7-aad
Xogta Kulanka
*Liverpool ayaa badisay sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen Villa , marka laga reebo guuldarro 7-2 ah oo ka dhacday Villa Park bishii Oktoobar 2020.
*Aston Villa ayaa laga badiyay afar jeer oo isku xigta oo Premier League ah oo ay booqatay Anfield tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen bishii Sebtember 2014.
*Guuldarada kaliya ee Liverpool soo gaartay 41-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka garoonkooda waxa ay 2-1 guul darro ah ka qaabileen  Leeds bishii October ee la soo dhaafay (31 guul , 9 bar bar dhac).
*Liverpool ayaa u baahan laba gool si ay u gaadho 100 gool tartamada oo dhan markii shanaad lix xilli ciyaareed gudaheed.
*Mohamed Salah ayaa gool dhaliyay sagaal kulan oo isku xigta oo uu ku ciyaaray garoonkiisa tartamada oo dhan, waana rikoor u yaala ciyaaryahankaan Liverpool
*Emery ayaan wax guul ah gaadhin todobo kulan oo uu la kulmay kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool tartamada oo dhan tan ilaa markii ay 2016 ku garaaceen finalka Europa League ee Sevilla (2 bar-baro iyo 5 guuldaro).

Related



Source link