Nottingham waxa ay haminayaan in rikoor liita oo guul la`aan dhanka horyaalka ah iska qaadaan maadaama waqti hore ugu dambeysay in Arsenal ku garaacaan PL .
Xogta Kulanka
Guusha kaliya ee Nottingham Forest ay gaartay 11-kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Arsenal waxa ay timid garoonka City Ground bishii December 1996-kii, waxaana goolka guusha u dhaliyay Alf-Inge Haaland daqiiqadii 89-aad (bar baro 3 ah iyo 7 guul darro).
*Si kastaba ha ahaatee, Forest ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaartay kooxda Gunners, labadoodaba waxa ay yimaadeen wareega seddexaad ee FA Cup – guul 4-2 ah bishii Janaayo 2018 iyo 1-0 ay ku badiyeen sanadkii hore.
*Kulankii ugu dambeeyay ee ay Arsenal ku ciyaartay garoonka City Ground waxa ay ahayd January 1999 markaas oo uu Martin Keown dhaliyay goolka kaliya.
*Forest ayaa 7 dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu dambeeyay, inta ay ka heshay 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
*Arsenal ayaa laba gool u jirta   100 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
*Martin Odegaard ayaa dhaliyay sagaal gool oo Premier League ah meel ka baxsan  garoonkooda xilli ciyaareedkan, wadar ahaan waxaa ka sarreeya kaliya Erling Haaland iyo Harry Kane, labaduba waxay leeyihiin 14.

Related



Source link