Isagoo ka hadlaya xaalada Emirates ayuu Gary Neville yidhi: “Arsenal waxa ay soo martay xilli ciyaareed heer sare ah laakiin markii ay xaaladu ku adkaatay way dhibtoonaysay, waxa ay u muuqataa hadda sheekadu in ay tahay awooda Manchester City, dhaawacyo, kulamo adag ayaa sabab u ahaa”.
“Kuwani waa arrimo caadi ah oo u baahan in lagu qiimeeyo tartanka horyaalka, Arsenal waxa ay 12 dhibcood lumisay 7 kulan oo ay ciyaartay”.
“Qaab ciyaareedkooda oo hoos u dhacay, in ay ogolaadaan goolal wakhti hore ah oo laga dhaliyo, in ay lumiyaan tamarta iyo in ay sameeyeen khaladaad aan qasab ahayn oo aynan arkin bilowgii xilli ciyaareedka, Xiddigaha da’yarka ah waxa ay noqdeen kuwo daalan oo aan sidii hore isku muujin”.
“Waxan fahamsanahaay in sababta qaab ciyaareedka fiican sanadka 2023 uu yahay mid cadaadis saaray kooxda Arsenal”.
Arsenal, oo inta badan xilli ciyaareedkan ku jirtay kaalinta ugu saraysa horyaalka premier League ayaa haatan ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League.

Related



Source link