Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Real Madrid kadib markii kooxda laga reebay tartanka champions League.
Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro 4/0 ah kala kulantay kooxda Man City iyaga oo ka hadhay tartanka ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.
“Shaki kuma jiro in aan sii joogi doono kooxda”ayuu Ancelotti yidhi.
“Taas waxa 15 maalin ka hor cadeeyay madaxweynaha Kooxda”.
“Xilli ciyaareedka dambe halkan ayaan joogi doonaa waxan aan u dagaalami doonaa champions League kale”ayuu sii raaciyay.
Heshiiska Ancelotti ee haatan ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la filayaa in uu mar kale sii joogo kooxda.

Related



Source link