Pep Guardiola iyo Jack Grealish ayaa labadooduba jabiyay rikoodho Champions Leaque-ga kadib markii ay Manchester City ka caawiyeen in ay isku cel celis ahaan 5-1 kaga soo adkaadeen kooxda Real Madrid ee haysata koobka Champions Leaque-ga.
Ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku soo kala baxeen lugtii hore ee Santiago Bernabeu isbuucii hore, Citizens ayaa kala dhantaashay Los Blancos ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen lugtii labaad ee Etihad Stadium Arbacadii si ay u dhigaan finalka.
Grealish ayaa halis joogta ah ku ahaa kooxda Real Madrid isaga oo khaati ka dhigay Dani Carvajal intii ay socotay ciyaartu waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Xiddiga garabka uga ciyaara Man City ayaa kulankii ka dhacay Etihad sameeyay 3 fursadood oo cajiib ah kulankii Etihad waxana uu guud ahaan sameeyay 34 fursad intii uu socday tartanka champions League.
Waxa uu jabiyay rikoodh uu Frank Lampard ka dhigay champions League isaga oo 34 fursadood ka sameeyay tartanka champions Legaue xili ciyaareedkii 2006-07.
Guushii ay City ka gaadhay Real ayaa ahayd guushii 100-aad ee uu Guardiola ka gaadho champions league waxana uu noqday tababarihii 3-aad ee sidaas sameeya kadib Carlo Ancelotti (107) iyo Sir Alex Ferguson (102).
Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa gaaray 100-kulan ee Champions League waqtiga ugu dhaqsiyaha badan, isagoo sidaas sameeyay kaliya 160 kulan marka loo eego Ancelotti iyo Ferguson oo u baahday 180 iyo 184 kulan si ay u gaaraan 100 guul.

Related



Source link