Man United ayaa wajaheysa dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League, waxaana ay u baahan yihiin inay helaan lix dhibcood si ay u dammaanad qaadaan ku dhameysashada 4-ta sare.
Red Devils ayaa waxaa cadaadis ku haya kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool oo hal dhibic oo kaliya ka hooseysa kala sareynta horyaalka. Man United ayaa kulan baaqi ah u harsan yahay.
Waxaa jirta suurtogal ah in Red Devils iyo Liverpool ay ku dhamaystaan isku dhibco horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Tani waxay dhici kartaa haddii kooxda Jurgen Klopp ay badiso labada kulan ee u dhiman halka ay kooxda Man United u baahantahay in ay lumiso 5 dhibcood.
Suurtagalnimada kale ayaa ah haddii Liverpool ay hal guul gaarto oo ay barbaro gasho kulanka kale halka ay United u baahantahay in ay badiso hal kulan 3-da kulan ee u hadhay
Hadii ay labada kooxood ku dhamaystaan isku dhibco xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa Man United ku garaacaysa kaalinta 4-aad.
Sida ay hadda tahay, Reds waxa ay leedahay farqiga goolasha +28 halka ay Man United farqiga goolasha leedahay +10 sidaas darteed Liverpool ayaa kaalinta ku helaysa farqiga goolasha.

Related



Source link