Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Ollie Watkins ayaa Albaabka ka xidhay kadib markii uu heshiis cusub u saxiixay kooxda Aston Villa.
Xididga Ollie Watkins ayaa qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ku soo jiitay kooxaha premier League ka hor suuqa January.
Waxa jiray warar sheegaya in ay kooxaha Arsenal iyo chelsea doonayaan saxiixa xiddiga suuqa January si ay ugu xoojiyaan weerarkooda.
Si kasta ha ahaatee Aston Villa ayaa xaqiijisay in ay xiddiga ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogayo kooxda.
Watkins waxa uu Villa kaga soo biiray Brentford sanadkii 2020 markaas oo uu ugu soo biiray lacag dhan 28 milyan oo euro waxana uu dhaliyay 50 gool.

Related



Source link