Liverpool ayaa lagu soo waramaayaa in ay ku dhawdahay saxiixii ugu horeeyay ee suuqa January sida uu xaqiijiyay wakiilka xiddig lala xidhiidhinayo Reds.
Wakiilka xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Piero Hincapie ayaa sheegay in ay wadahadalo u socdaan labada kooxood ka hor suuqa January.
21-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda Germay sanadkii 2021 waxana uu kooxda u ciyaaray 80 kulan isaga oo dhaliyay 3 gool ilaa haatan.
Hincapie ayaa sidoo kale ah xubin muhiim ah oo ka tirsan xulkiisa, isagoo xulka Ecuador u matalaya Koobka Adduunka ee Qatar ee sanadkii 2023.
“Liverpool waa ay xiisaynaysay isaga, laakiin wakhtigaas (xagaagii) waxa ay doorteen in ay maal gashadaan khadka dhexe”ayuu Joaquín Saavedra u sheegay Bolaip.
“Suuqa January waxa ay wadahadalo kula jiraan kooxda waxana lagu heli karaa xiddiga 50 milyan”.

Related



Source link