Halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa shaaca ka qaaday shaqsiga uu u arko in uu yahay tababaraha ugu fiican marka laga hadlayo Pep Guardiola iyo Arsene Wenger.
Henry ayaa ka soo hoos ciyaaray Wenger wakhtigiisii Arsenal ka hor inta uuna ka hoos ciyaarin Guardiola markii uu tababaraha u ahaa Barcelona.
Sidaas darteed Henry ayaa si fiican uga warami kara midka fiican labada tababare maadama uu ka hoos ciyaarya labadoodaba.
“Arsene Wenger waxa uu furay qalbigayga, Pep Guardiola-na waxa uu furay indhahayga”ayuu yidhi.
“Waxa aan odhan karo ayaa ah in Pep Guardiola yahay midka ugu fiican ee aan arkay”ayuu sii raaciyay.
Labada tababare ayaa shaki la’aan ka mid ah tababarayaasha ugu fiican taariikhda kubada cagta marka la eego waxa ay ka qabteen kubada cagta.

Related



Source link