Xiddiga Manchester City Erling Haaland ayaa qirtay inuu ku farxay in ay Man City Horyaalka ku garaacday Arsenal horyaalka premier League kadib xogta waalida ah ee Arsenal.
City ayaa ku guulaystay horyaalka Premier League Axadii iyada oo la xaqiijiyay ku guulaysiga City ee horyaalka kadib guuldaradii Nottinghamas Forest.
Haaland ayaa fure u ahaa ku guulaysiga Man City ee premier League kadib markii uu dhaliyay 36 gool 34 kulan oo uu ciyaaray.
Laakiin xiddiga reer Norway ayaa la yaabay markii uu ogaaday tirada maalmaha ay Arsenal hogaaminaysay horyaalka premier League waxana uu qirtay in uu ku faraxay in ay Arsenal ku garaaceen horyaalka.
“Waxaan arkay in Arsenal ay 248 maalmood hogaaminaysay horyaalka premier League”ayuu Haaland u sheegay Sky Sport.
“Xilli Ciyaareedka oo dhan waan baacsanaynay waanan ku faraxay markii aan soo qabanay kana qaadnay horyaalka”.

Related



Source link