Gary Neville ayaa ku taageeray Liverpool inay kula tartanto Man City horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda.
“Kooxda kaliya ee la caddeeyey inay la tartami karto kuna dhawaan karto waa Liverpool, inkasta oo ay Liverpool hoos uga dhacday heerkii looga bartay, hadana xilli ciyaareedkii hore way u tartantay horyaalka kadib markii ay xilli ciyaareed xun qaadatay”khabiirka ayaa u sheegay Sky Sports.
“Waxaan rajeynayaa in dhamaan kooxaha kale ay eegaan Manchester City oo aysan ka damqan nafsadooda oo ay ku fikiraan, sidee ku gaari karnaa heerkaas, Jurgen Klopp ee Liverpool waxay joogeen halkaas muddo 3 sano ah, waa kooxda kaliya ee cadaysay in ay la tartami karaan”.
“Arsenal waxa ay Man City la tartantay 30 kulan xilli ciyaareedkan, sidaas darteed aan rajayno in ay dhici karto sababta oo ah ma aaminsani in ayna jirin koox aan la tartami karin”.
“Si kastaba ha ahaatee, waa inaan sheego in wax qabadkii Jurgen Klopp ee Liverpool ee qarash gareynta ka yar mida Guardiola hadana uu si fiican ula tartamo in ay tahay mid la amaano”.
Liverpool ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee kala saraynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxana ay aad ugu adagtahay in ay ku dhamayst kaalmaha loogu soo boxo champions League.

Related



Source link