Kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay xaalada daafaca Benoit Badiashile kaas oo la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 bilood ah kadib dhaawac soo gaadhay.
Dhaawacyo ayaa dilay xilli ciyaareedka chelsea iyad aoo xiddigo muhiim u ah dhaawacyo badan ka soo gaadheen.
Arintaas ayaa keentay in ay chelsea haatan ku jirto kaalinta 12-aad ee premier League sidaasna ku seegaysa tartamada yurub.
Xiddiga Benoit Badiashile oo 22 jir ah ayaa kooxda chelsea uga soo biiray Monaco suuqii January waxana uu kulamo muhiim ah u ciyaaray kooxda.
22-sano jirkaan ayaa ku bilowday shaxda chelsea 10 kulan oo premier League waxana uu dhaliyay gool kaas oo uu ka dhaliyay Bournemouth horaantii bishaan.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona ku dhawaad 4 bilood kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay tababarka.

Related



Source link