Manchester United ayaa qarka u saaran inay u soo baxdo Champions League ka dib markii ay Sabtidii garaacday Bournemouth.
Red Devils ayaa hadda fadhisa booska afaraad, iyadoo saddex dhibcood ka sareysa Liverpool oo ku jirta kaalinta shanaad, iyadoo weli kulan dheeri ah gacanta ugu jiro.
Kooxda Man United ayaa u baahan hal dhibic kulamada uga horay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan si ay ugu soo baxdo champions League.
Kooxda United ayaa la ciyaari doonta kooxaha Fulham iyo Chelsea labada kulan ee ugu dambeeya horyaalka premier Legaue kulamo ka dhici doona Old Traford.
Kooxda Erik Ten Hag ayay u badantahay in ayna iska khasaarin doonin fursad ay ugu soo baxayso champions League xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link