Dwight Yorke ayaa uga digay Declan Rice inuu dhamaystiro heshiiska la filayo inuu ugu biiro Arsenal xagaagan.
Kabtanka West Ham ayaa u muuqda inuu ka tagi doono kooxda West Ham dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo waaweyn.
Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood si xoogan loola xiriirinayay xiddiga laakiin Arsenal ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga.
Warar soo baxayay horaantii todobaadkan ayaa sheegayay in Gunners ay diyaar u tahay in ay miiska saarto lacag dhan 92 milyan oo dalab furitaan ah si ay u hesho xiddiga khadka dhexe.
Xiddigii hore ee United Yorke ayaa u sheegay Rice in uu sugo in ay Man City dalab fiican ula timaado.
Waxa uu u sheegay Lord Ping: Declan Rice waa in uu go’aamiyo meesha u fiican isaga suuqa xagaaga”.
“Uma maleynayo in lacagtu ay noqon doonto dhibaato, waxa aad West Ham uga tagaysaa in aad ku guulaysato koobab kana ciyaarto champions League”.
“Laakiin hadii aan aniga ahaan lahaa waxa ana ku biiri lahaa Man City waanan iska diidi lahaa Arsenal sababta oo ah waxa aad u ciyaari doontaa koox ku guulaysanaysa koobab”.

Related



Source link