Loolanka horyaalka ee Arsenal ayaa xisaab ahaan la soo afjari karaa habeenka sabtida – haddii Gunners ay guuldarro ka soo gaarto Nottingham Forest, Manchester City ayaa loo caleemo saari doonaa horyaalka laakiin wax walba way ka duwanaan lahaayeen sidaas hadii ay Arsenal la soo saxiixan lahayd Cristiano Ronaldo.
Hagaag, taasi waa Sida uu qabo taageeraha weyn ee kooxda Arsenal ee Piers Morgan kaas oo sheegay in ay Arsenal ku guulaysan lahayd horyaalka hadii Ay Arsenal la soo saxiixan lahayd xiddiga suuqii january.
Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Al-Nassr kadib koobkii adduunka ee la soo dhaafay.
Cristiano ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda Man United waxana loo soo bandhigay saxiixiisa kooxo badan oo ay ka mid tahay Arsenal.
Ronaldo ayaa haatan ku dhibaatoonaya kooxda Al-Nassr kadib markii uu si fiican ku bilowday noloshiisa sucuudiga.

Related



Source link