Maxi Lopez ayaa u muuqda mid cafiyay xiddiga ay isku wadanka yihiin Mauro Icardi kaasoo ka hoos xaday xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee amaahda uga soo maqan Inter Milan ayaa saaxiibkiisii hore Maxi Lopez oo gurigiisa ku soo dhaweeyay kala wareegay xaaskiisii Wanda Nara oo haatan isaga u dhaxda ahna wakiilkiisa.

Maxi Lopez (dhexda)

Icardi ayaa xiriir la sameeyay Wanda Nara iyadoo uu weli qabo Maxi Lopez oo ay saaxiibo fiican ahaayeen, waxayna aheyd qiyaanadii ugu weyneyd ee kubada cagta abid.

Caruurta Maxi Lopez ayaa la nool haatan xaaskiisii hore Wanda Nara iyo xiddiga qiyaameeyay ee Mauro Icardi.

Si kastaba, Maxi Lopez oo 35 sanno jir ah ayaa sheegay inuusan wax colaad ah u qabin Icardi kaasoo xulka Argentina uga maqan colaada ay u qaadeen xiddigaha kale oo la saftay Lopez gaar ahaan Lionel Messi.

Maxi Lopez oo ay Messi iska soo garab ciyaareen intii u dhaxeysay 2005 iyo 2007 markaasoo uu joogay Barcelona ayaa waxa uu arintaan uga waramay idaacada Argentina ee FM Club Octubre.

Markii la weydiiyay haddii uu gaaray heer uu ku cafin karo 26 jirka Icardi, weeraryahankii hore ee Barcelona Lopez ayaa yiri: “Haa, wax colaad ah cidna uma qabo.

“Anigoo bani’aadam ahaan u hadlaya, waxa kaliya aan doonayo ayaa ah inaan farxad geliyo caruurteyda, hamigeyga oo dhan waa kaas.

“Wixii ka soo haray, waa wax hore u soo dhacay.

“Waan iska ilaaway mar hore, wax saameyn ahna iguma lahan haatan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here