Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah, ayaa sugaya rikoor cusub marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Brighton kulan ka tirsan premier League.
Liverpool ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha marka ay la ciyaari doonto kooxda Brighton Axada.
Sida laga soo xigtay website-ka kooxda, Mohamed Salah ayaa dhaafi kara halyeeyga kooxda ee Kenny Dalglish hadii uu gool ka dhaliyo Brighton.
Salah ayaa Brighton ka dhaliyay 6 gool waana tirada uu Kenny Dalglish ka dhaliyay koox kaliya.
Sidaas darteed hadii uu Salah gool ka dhaliyo Brighton waxa uu dhaafi doonaa rikoodhka Halyeeyga Liverpool ee Kenny Dalglish.
Xiddiga Salah ayaa ilaa haatan dhaliyay 3 gool premier League xilli ciyaareedkan waxana uu caawiye ka noqday 4 kale ilaa haatan.

Related



Source link