Kooxda Liverpool ayaan ka ciyaari doonin tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay ku dhamaystay kaalinta 5-aad ee kala saraynta horyaalka premeir League.
Liverpool ayaa ka ciyaari doonta Europa League markii ugu horaysay tan ilaa 2016/2017 markaas oo uu Klopp hogaamiyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.
Inkasta oo ay taageerayaal badan oo Liverpool ah ka niyad jabsan yihiin xaqiiqada ah in ayna kooxdoodu ka ciyaari doonin tartanka y 6-da jeer ku guulaysteen.
Hadana waxa jirta 5 sabab oo ay tahay in ay Liverpool ugu faraxsanaato ka qayb galista tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.
Anfield oo laga ciyaari doono kulamada Yurub:
Markii ay 3 bil ka dhimanayd dhamaadka xilli ciyaareedka waxa la filayay in ayna Liverpool xitaa ka qayb gali doonin tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.
Waxa la filayay in ay Liverpool ku dhamaysato kaalin ayna xitaa ka ciyaari doonin tartamada yurub iska dhaaf in ay u soo baxdo tartanka champions League.
Sidaas darteed waxa ay Liverpool u tahay war fiican in wali Anfield laga ciyaari doono tartamada yurub inkasta oo uuna ahayn tartan ay taageerayaasha Liverpool filayeen.
In Uu Klopp Dhamaystiro koobabka:
Europa League ayaa ah koobka kaliya ee uuna Klopp kula guulaysan Liverpool tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2015.
Klopp ayaa kula guulaystay dhamaan koobabka suurtagalka laakiin Europa League ayaa ah koobka kaliya ee uuna Klopp kor ula qaadin kooxda Liverpool.
Sidaas darteed Waa fursad in uu Klopp dhamaystiro koobabka marka ay kooxdiisu ka qayb gasho tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.
In Ay Diirada Saaraan Premier League:
Inta badan qaybta hore tartanka Europa League, kooxaha ayaa fursad siiya xiddigaha aan inta badan joogtad au ciyaarin iyo xiddigaha da’yarka ah.
Inta lagu jiro wareega Group-yada Klopp ayaa fursad siin kara xiddigaha da’yarka ah ee kooxda iyo kuwa aan joogtada ugu ciyaarin kooxda.
Xiddigahamuhiimka ah ee kooxda 1-aad waxa uu u nasin karaa Premier League si uu muhiimada u saaro horyaalka maadama inta badan qaybta hore ee premier League lagu kala boxo tartanka.
In uu dhamaan wada raali galin karo xiddigaha kooxdiisa:
Inta badan tababaraha ayaa sameeya go’aano adag oo in uu kaydka dhigo qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa taas oo ka xanaajisa xiddigaha kooxda.
Laakiin Klopp ayaa fursad u heli kara in uu wada raali galiyo xiddigaha kooxdiisa isla markaas siiyo fursado ay ku ciyaari karaan kulamada ugu badan ee suurtagalka ah.

Related



Source link