Kooxda Man City ayaa ku guulaystay premier League todobaadkan iyaga oo aan xitaa wax kulan ah ciyaarin kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay kooxda Nottingham Forest.
Kooxda Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Forest, xiddigaha Man City ayaana si dhaw ula socday ciyaarta iyaga oo ka daawanayay hudheelka ay daganyihiin.
Xiddigaha Man City ayaa si weyn ugu dabaal-dagay guuldarada Arsenal waxana la helay muuqaalka xiddigaha Man City oo dabaal-dagay kadib markii ay ku guulaysteen premier League.
Kooxda Arsenal ayaa inta badan xilli ciyaareedkan hogaaminaysay horyaalka premier League iyaga oo 248 maalin hogaaminayay horyaalka xilli ciyaareedkan.
Kadib markii garsooruhu si Rasmi ah u dhamaystiray ciyaarta kulankii Arsenal iyo Nottingham Forest waxa la helay muuqaalo muujinaya dabaal-dagaya kadib guuldarada.
Halkan Ka daawo muuqaalka fal-celintii xiddigaha Man City ee kadib kulankii Arsenal iyo Nottingham Forest

Related



Source link