Zlatan Ibrahimovic Oo Ac Milan Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Bologna

0
44

 

Kooxda Ac Milan ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da iyaga oo garaacay kooxda Bologna kulan ka dhacay garoonka San Siro.

Kooxda Ac Milan ayaa guushaas uga mahad celinaysa Xiddigeeda Zlatan Ibrahimovic kaas oo kooxda ku hogaamiyay guul muhiim ah oo wax ku ool ah.

Zlatan Ibrahimovic oo muujiyay in uu wali Hogaamin karo koox weyn ayaa Ac Milan u dhaliyay 2-da gool ee ay ku badisay kulanka ka dhacay San Siro.

Ac Milan oo u muuqata mid ugu dambayn cagaha dhulka la helaysa kuna soo laabanaysa halkii ay wakhti joogtay ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta xilli Bologna qaadaysay kaliya weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 35-aad ayuu Zlatan Ibrahimovic Dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo madax qurux badan shabaqa dhex-dhigay kadib karoos uu ka helay Theo Hernandez.

Xiddigaha Ac Milan ee kulankan ayaa la odhan karay may kala dhicin marka la eego dhanka qaab ciyaareedka laga bilaabo Goolhayaha ilaa weeraryahanka.

Daqiiqadii 51-aad ayay Ac Milan sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool rikoodhe ah u dhaliyay Zlatan Ibrahimovic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Ac Milan ayaa dhalin kartay goolal intaas ka badan marka la eego fursadihii ay iska khasaariyeen intii ay ciyaartu socotay.
[embedded content]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here