Zinedine Zidane Oo Wadnaha Gooyay Arsenal, Sabab.

0
64

 

Real Madrid ayaa Axda wajihi doonta kooxda Levante laakiin waxa jirtay su’aalo badan oo ku saabsanaa suuqa kala iibsiga kadib markii uu Zinedine Zidane u soo fadhiistay shirkii ka horeeyay kulanka.

Houssem Aouar ayaa lala xiriirinayay Los Blancos waxaana tababaraha wax laga waydiiyay khadka dhexe ee Lyon.

“Ma aqaano macluumaadka aad ka hayso isaga,” ayuu yiri Zidane.

“Waa ciyaaryahan weyn, shaki iigama jiro taas.

“Waxana laga yaabaa in uu hal maalin u ciyaaro Real Madrid laakiin haatan waxa aan haysanaa xiddigo nagu filan oo horay u wadi kara kooxda”.

Arsenal ayaa dhankeeda si weyn loola xidhiidhinayay Houssem Aouar sidaas darteed hadii ay Arsenal dhamaystiri waydo saxiixa Houssem Aouar xagaagan waxa laga yaabaa in ay Xagaaga dambe u waydo Real sababta oo Los Blancos ayaa la filayaa in ay si xoogan u gasho suuqa xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here