Zidane Oo War Fiican Ka Helay Tababarka Real Madrid Ka Hor Kulanka Real Betis.

0
81

 

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa war fiican ka helay tababarkii maanta ee kooxda Real Madrid ka hor kulanka Real Betis ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Real Betis kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka ahna kulankii 2-aad ee Real ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Eden Hazard ayaa ka soo muuqday tababarka Real kadib markii uu dhaawac uga maqnaa kulamadii ugu dambeeyay kaas oo tababarka la qaatay kooxda sida uu sheegayo wargayska Mundo Deportivo.

Xiddiga reer Belguim ee ah xiddiga ugu qaalisan kooxda ayaa ku dhibaatooday dhaawac bilihii ugu dambeeyay waxana uu xitaa ku seegay kulankii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga.

Laakiin xiddiga reer Belguim ayaa haatan Si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka ka hor kulanka Real Betis ee horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here