Yaab:Mason Greenwood & Phil Foden Oo Arin La Yaab Leh Darteed Looga Saaray Liiska Xulka Qaranka England.

0
6

Xiddigaha Kooxaha reer Manchester ee Mason Greenwood & Phil Foden ayaa laga reebay xulka qaranka England kadib markii lagu qabtay iyaga oo Gabdho soo galinaya Hudheelkii ay ku sugnaayeen kadib kulankii Iceland.

Xiddigaha Foden oo 20 jir ah iyo Greenwood oo 18 ah ayay labadooduba markii ugu horaysay xulka qaranka u ciyaareen kulankii ay guusha 1/0 ah ka gaadheen xulka qaranka Iceland.

Laakiin wargayska DV ayaa sheegaya in ay labada xiddig Gabdho ku marti qaadeen qolalkooda Axadii laguna ogaaday muuqaal la soo dhigay Barta Snapchat-ka.

Haatan wargayska xidhiidhka FA-ga ayaa sheegaya in ayna labada xiddig ka qayb qaadan doonin kulanka uu xulka qaranka England la ciyaari doono xulka Denmark.

Xiddigaha ayaa la siiyay go’aano adag oo la xidhiidha amaankooda iyo xanuunka Korona laakiin labada xiddig ayaa jabiyay iyaga oo Gabdho wkahti kula qaatay Qolkooda kadib kulankii Iceland.

Isla xidhiidhka ayaa sheegay in ay labada xiddig haatan sugayaan baadhitaan lagu bilaabo iyada oo ganaaxyo dusha laga saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here