Yaabka Adduunka: Ciyaartoy Joojiyay In Uu Ku Biiro Koox Cusub, Si Uu Ugu Biiro Ciidamada Dalkiisa & Sababta Oo La Ogaaday.

0
116

 

Xiddiga xulka qaranka Armenia ee Varazdat Haroyan ayaa kansalay heshiis uu ugu biiri lahaa kooxda cusub si uu ugu biiro ciidamada dalkiisa una difaaco dalkiisa oo maalmihii ugu dambeeyay dagaal kula jira dalka Azerbaijan.

Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa maalmihii ugu dambeeyay dagaal culus ku dhexmarayay gobolka Nagorno-Karabakh.

Xiddiga Varazdat Haroyan ayaa u ciyaara kooxda reer Russia ee Ural isaga oo joogay muddo 3 sano ah laakiin waxa uu ku dhawaa in uu ku biiro kooxda reer Greek ee AEL Larissa bilowgii todobaadkan.

Laakiin wakiilka xiddiga Varazdat Haroyan ayaa kooxda reer Greek ee AEL Larissa u sheegay in uuna xiddiga 28 jirka ah haatan ku soo biiri doonin maadama uu ogolaaday dalab uga yimid dalkiisa kaas oo ahaa in ay ciidamada ku soo biiraan dhamaan qof walba oo ka hooseeya 40 sano jir si ay uga dagaalamaan dagaalka ay kula jiraan dalka Azerbaijan.

Fariintii uu wakiilka xiddigu u diray milkiilayaasha kooxda reer Greek ayaa u qornayd”Haroyan waa la hawl galiyay sida dhamaan muwaadiniinta reer Armenia ee ka hooseeya 40 sano haatanbana waxa uu ku suganyahay goobta dagaalka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here