Yaa Ku Horeeya Saxiixa Houssem Aouar , Arsenal Mise Juventus?

0
72
Ilo wareedyo saxaafadda Italy ay qorayaan ayaa sheegaya in Juventus ay wadahadallo ay la fureen xiddiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar

Laacibkaas 22 sano jirka ayaa bartilmaameed xooggan maalmahaan u ahaa Arsenal kuwaasi oo aan weli ka quusan saxiixiisa waliba wadhadallo wax ku ool ah kula jirta kooxdiisa

Tutto Sport ayaa haatan sheegeysa in Juve ay toos ula xariireen laacibka si ay ugu qanciyaan in uu ka garab ciyaaro Ronaldo waliba waxa ay u bandhigeen hishiis gaaraya 5 sano .

Waqti sii horeysay Houssem Aouar waxa uu ammaany macalinka Juve ee Pirlo oo ku tilmaamay in uu aha ciyaaryahan uu ku daydo taas oo keentay in loo micneeyo in uu qiimeynayo xiisaha Juve.

Houssem Aouar ayaa xilli ciyaareedkii soo dhamaaday si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa waliba wacdaro ka dhigay Champion-ka , waxa uuna haatan doonayaa in uu hawo badasho xilli kooxdiisa ay qireen in ay jiraan dalabyo laga keenay laacibka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here