XOG: 4-ta Kooxood Ee Aan Wax Guuldaro Ah La Kulmin Prmeie League Ilaa Haatan.

0
69

Premier League ayaa laga ciyaaray 3 kulan oo kaliya xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2021 kadib markii la bilaabay bilowgii bishan haatan socota.

Inkasta oo kaliya la ciyaaray 3 kulan walina horyaalku dhawayn hadana waxa jira kooxo muujiyay sida ay uga go’antahay in ay meel fiican ka gaadhaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa jira kaliya 4 koxo oo aan wax guuldaro ah la kulmin ilaa 3-dii kulan ee laga ciyaaray horyaalka premier League halka kooxaha kale guuldaro dhabarka loo saaray.

Kooxda Leicester City ayaa wacdaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka waxana ay badiyeen 3-dii kulan ee ay ciyaareen iyaga oo waliba si xarago leh u badiyay.

Kooxda Everton ayaa sidoo kale ah koox si xarago leh u badisay 3-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacanaysa tartanka ee Liverpool ayaa dhankeeda guul gaadhay 3-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League iyaga oo ay ka go’antahay in ay difaacdaan.

Kooxda xilli ciyaareedkii hore sida dirqiga ah uga badbaaday in ay ka hadho premier League ee Aston Villa ayaa dhankeeda guul gaadhay 2-dii kulan ee ay ciyaartay prmeier Legaue xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale waxa jira 3 koox oo aan wali wax guul ah dha-dhamin horyaalka premier League kuwaas oo kala ah Burnley, Sheffield United iyo Fulhma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here