Xiliga uu Saxiixeeda 7-aad ee Chelsea Tijaabada Caafimaadka Uu Mari Doono Oo La Ogaaday.

0
42

 

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in laga aqbalay dalabkii ugu dambeeyay ee ay ka gudbisay Goolhayaha kooxda Rennes ee Edouard Mendy sida ay sheegayaan wararku.

Goolhayaha ayaa haatan isku diyaarinaya in uu u duulo magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Chelsea si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Frank Lampard ayaa Edouard Mendy u arka badalka Goolhaye Kepa kaas oo qaab ciyaareed liita ku soo bandhigay kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Goolhaye Edouard Mendy ayaa dhankiisa kooxdiisa Rennes ka codsaday in ay u ogolaato in uu isaga tago kooxda kuna biiro kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Blues aya wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Goolhayaha reer Senegal kaas oo maanta ka maqnaa tababarkii kooxdiisa Rennes.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa haatan sheegaya in uu Mendy u soo duuli doono England maalmaha soo socda si uu tijaabada caafimaad ugu maro Chelsea.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Mendy maalinta Isniinta tijaabada caafimaadka u mari dono kooxdiisa cusub ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here