Xidiga Ay Man United Ku Raad Joogtay Sergio Reguilon Oo Codsigiisa U Gudbiyay Kooxda Real Madrid.

0
51

Sergio Reguilon ayaa qorsheynaya inuu amaah ugu laabto Sevilla taas oo dhirbaaxo weyn ku ah kooxda Man United oo doonaysa saxiixa xiddiga.

United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay u dhaqaaqdo daafaca bidix ee Real Madrid, kaasoo qaab ciyaareed amaah ah kula soo qaatay Sevilla xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga ayaa door muhiim ah ka ciyaaray ku guulaysigii Sevilla ee tartanka Europa League xilli ciyaareedkii hore isaga oo xitaa kooxda ka caawiyay in ay dhaafto Man United semi-finalka tartanka.

Tababare Zidane ayaa doonaya in uu iska diro xiddiga xagaagan maadama uuna ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe waxana la rumaysanyahay in ay Man United doonayso in ay hesho xiddiga xagaagan.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uu xiddiga 23 jirka ah doonayo in uu amaah dib ugu laabto kooxda Sevilla xagaagan.

Sababta uu Reguilon doonayo in uu ugu laabto Sevilla ayaa ah in uu doonayo in uu ka hoos ciyaaro tababare si fiican u garanaya kaas oo ah Julen Lopetegui kaas oo uu kaga soo hoos shaqeeyay Real Madrid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here