Xidig Ka tirsan Arsenal Oo ka hor Istaagay Qorsho ay Suuqa Ka Damacsanayd ?

0
43

Xiddiga khadka dhexe ee Mohamed Elneny ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii ay Arsenal guusha ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Mohamed Elneny ayaa ku soo laabtay Arsenal kadib markii uu soo dhamaystay amaah uu kaga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Mohamed Elneny ayaa haatan u muuqda mid ka qayb ah qorshaha tabaabre Mikel Arteta ee kooxda Arsenal ee xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Arteta ayaa xitaa amaah ugu qubeeyay xiddiga Mohamed Elneny kadib markii uu dhamaaday kulankii Fulham ee ay Arsenal guusha raaxada leh gaadhay.

Qaab ciyaareedka Mohamed Elneny ayaa haatan sabab u noqon kara in ay Arsenal gabi ahaan ka hadho baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe ee Thomas Parte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here