Xiddigii Thiago Silva Kula Taliyay In Uu Ku Biiro Chelsea Oo La Ogaaday

0
22

Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay xiddigihii Thiago Silva ku qanciyay in uu ku biiro kooxda chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa si xor ah kula soo saxiixatay xiddiga reer Brazil bishii hore si uu lampard ugu xoojiyo daafaca dhexe ee kooxdiisa.

35 jirka ayaa 8 sano ku qaatay PSG laakiin Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu xiddigu isla markiiba ka helay u ciyaarista Chelsea.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Daafacu go’aansaday in uu ku biiro Chelsea ka hor final-kii champions League ee bishii hore kadib markii uu Neymar kula taliyay in uu ku biiro Blues.

Chelsea ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixatay daafaca khabiirka ah iyo heshiis hal snao oo dookh ah laakiin Blues ayaa saxiixa xiddiga uga mahad celinaysa xiddiga ay isku xulka yihiin ee Neymar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here