Xiddigaha Ugu Goolasha Badan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Oo La Ogaaday.

0
120

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Calvert-Lewin ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer England ayaa dhaliyay 9 tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedka 2020/2021 isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka.

Xiddiga kooxda Hoffenheim ee Andrej Kramaric ayaa dhaliyay 8 gool isaga oo kaalinta 2-aad ku jira gool dhalinta tartamada oo dhan.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa dhankiisa 8 gool dhaliyay tartamada oo dhan isaga oo ku jira kaalinta 3-aad.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in gool dhalinta ilaa haatan laga dhexwaayay xiddigaha ugu fiican adduunka ee Cristiano Ronaldo iyo LIonel Messi.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo Liiska xiddigaha ugu goolasha badan tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here