Xiddigaha Salah, Man & Firmino Oo Looga Digay Saxiixa Cusub Ee Diogo Jota.

0
94

 

Saxiixa Cusub ee kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa la sheegay in uu la heer farsamo yahay saddexda xiddig ee weerarka uga ciyaara Liverpool ee sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mo Salah sida uu sheegay caawiyaha tababaraha Liverpool ee Pep Lijnders.

Caawiyaha Jurgen Klopp ayaa ka hadlay saxiixa cusub ee liverpool ka hor kulanka ay Caawa Liverpool la ciyaari doonto kooxda Lincoln City kulan ka tirsan Carabao Cup.

Shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka hor ayuu yidhi”Waxa aad aragtaa jadawlkeena kulamada, shaki la’aan wuu heli doonaa kulamo badna”.

“Waa xiddig la heer ah saddexda xiddig ee weerarka ka ciyaara hadii ay tahay dhanka farsamada iyo waliba dhanka cadaadiska”.

Diogo Jota ayaa la filayaa in uu kulanka Lincoln City ee caawa ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here