Xiddig U Ciyaara Real Madrid Oo Zidane U Sheegay In Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Man United.

0
61

 

Wakiilka Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa isku dayaya in uu suurtagaliyo in uu xiddigu ku biiro kooxda Man United.

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa diyaar u ah in ay amaah ku fasaxdo weeraryahanka si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu Jovic u sheegay Zidane in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Man United xilli uu wakiilkiisa u sheegay in uu ka shaqeeyo sidii uu ugu biiri lahaa Old Trafford.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay wadahadaladu marayaan meel horumar leh waliba Madrid go

‘aan ka gaadhi doonto mustaqbalka xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqu.

Kooxda Man United ayaa sheegaysa in United diyaar u tahay in ay heshiis amaah ah kula wareegto xiddiga waliba diyaar u yihiin in ay bixiyaan mushaharkiisa oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here