Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Kooxda Ku Riixaya In Uu Ku Biiro Koox London Ka Ciyaarta.

0
57

Daafaca Chelsea Antonio Rudiger ayaa doonaya inuu ku biiro Tottenham ka hor inta aan la gaarin maalinta Isniinta ah.

Xiddiga reer Germany ayaa laga saaray kooxda chelsea kulankii 5-aad oo xidhiidh ah kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay Crystal Palace taas oo shaki weyn galisay mustaqbalkiisa Stamford Bridge.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Rudiger doonayo in uu ku biiro kooxda Tottenham isaga oo iska diiday kooxaha Paris Saint-Germain, AC Milan, Inter Milan, Barcelona iyo kooxo ka dhisan Jarmalka.

Kooxda Tottenham ayaa doonaysay saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar laakiin haatan waxa ay u muuqataa in ay isaga hadheen daafaca dhexe.

Tottenham ayaa dareenkooda u jeediyay daafaca Chelsea ee Rudiger laakiin Blues ayaa ka meer-meeraysa in ay koox la xafiiltanta ka iibiyaan daafaca.

Laakiin daafaca reer Germany ayaa Kooxda chelsea ku riixaya in ay ka iibiso daafaca kooxda Tottenham ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Laacib.net

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here