Xiddig U Ciyaar Liverpool Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay U Soo Bandhigtay

0
71

Kooxda Liverpool ayaa dhirbaaxo kala kulantay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay kula jirtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Georginio Wijnaldum kaas oo diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Heshiiska Georginio Wijnaldum ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu xiddigu ku jiraa bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa.

Liverpool ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay xiddiga heshiis cusub ka saxiixato taas oo shaki galisay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.

Wargayska Foobtab Insider ayaa sheegaya in uu xiddiga Georginio Wijnaldum iska diiday heshiis cusub oo ay Liverpool u soo bandhigtay.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay liverpool heshiis 4 sano ah u soo bandhigtay laakiin xiddiga ayaa iska diiday isaga oo doonaya heshiis 5 sano ah.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here