Xiddig Premier League Ka Ciyaara Oo Albaabada U Furay Inuu U Dhaqaaqo Manchester United

0
54

 

Raul Jimenez ayaa carabka ku adkeeyay inuu aad ugu faraxsanyahay In uu sii joogo kooxda Wolves Saddexda sano ee soo socota laakiin uu “wax walba u furan yahay”.

29 jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed fiican 2019/20202 isagoo shabaqa soo taabtay 27 jeer 55 kulan oo uu saftay isaga oo caawiye ka noqday 10 gool oo kale.

Xiddiga reer Mexico ayaa sidoo kale si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo gool dhaliyay 2-dii kulan ee ay kooxdiisu la ciyaartay Sheffield United & Manchester City.

United ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto xiddiga si ay ugu xoojiyaan weerarka xiddiga ayaana sheegay in uu furanyahay in uu ka tago Wolves hadii uu dalab fiican yimaado.

“Saddex sano ayaa iiga hadhay heshiiskayga, hadii aan sii joogo Wolves waan ku faraxsanahay, waan ognahay in ay wax walba dhici karaan waliba jiri karo is badal, wax walba waan u furanahay”ayuu Jimenez yidhi.

“Waxa aan horay nasiib ugu yeeshay in aan ciyaaro kulamo champions League ah, waa dareen cajiib ah waxana qorshahayga ah in aan mar kale ka ciyaaro laakiin marka hore waa in aan sameeyo waxa ay tahay in aan ka sameeyo Wolves”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here